Guddiga doorashada Madaxweynaha oo ku dhawaaqay in dib loo qaban doono doodii Musharaxiinta
February 2, 2017 - Written by

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in dib loo qaban doono doodii Musharaxiinta Madaxweynaha ee lagu waday in 31-kii bishan la qabto, kaddib markii arrimo farsamo u baaqatay, iyadoo Guddiga go’aan uu soo saaray gebi ahaanba ku joojiyay dooda.

 

Doodan oo aheyd mid toos uga bixi laheyd Musharaxiinta, ayna isa soo hor-fariistaan Musharaxiinta qaar ayaa maalintii hore u baaqatay Internet-ka oo ka maqnaa qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya.

Musharaxiinta qaar ayaa ku dooday in aanay iyadoo toos loo daawaneyn aanay ogolaaneyn in la duubo, halka qaarkood ay ka hor-yimaadeen in Telefishinka Qaranka ee SNTV dooda keligiis sii daawo, halka Warbaahinta kale ee madax banaan aanay tabineyn.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dooda musharaxiinta la qaban doona 6-da bishan oo ku beegan maalinta Isniinta.

Mr Beyle ayaa sheegay in dooda loo qaban doono si hufan, isla markaana Guddiga doorashada ay yeesheen kulan ay arrintan uga hadleen.

Dooda ay yeelan lahaayeen Musharaxiinta ayaa noqon laheyd midii u horeysay ee abid la qabto, hase ahaatee waxaa dad badan su’aal ka keeneen qaabka Musharaxiinta u rabeen inay u dhacdo oo ah in 23 Musharax ay doonayaan in dood la galaan 1 Musharax oo ah Madaxweynaha xilligan, taasoo dad badan la yaabeen in 23 Musharax oo aan iyaga isku jeedin, balse kaliya u muuqda Hal Musharax.

COMMENTS