Ururka Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Muuri Ee Sh/Hoose.
February 3, 2017 - Written by

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu xalay ka dhacay deegaanka Muuri.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Al-Shabaab ay deegaanka la wareegtay, iyadoo ciidanka dowladda ay dib ugu gurteen degmada Afgooye.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Muuri ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka, xaaladuna ay tahay mid iminka degan.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayeen xeryaha ciidamada, todobaad ka hor ayay aheyd markii ay weerareen deegaanka Kulbiyow oo ay saldhig ku lahaayeen ciidanka Kenya

 

COMMENTS