Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Oo Digniintii Ugu Dambaysay U Diray Ganacsatada Aan U Hogaansamin Amarkii Madaxweynaha Ee Sicir Bararka
February 3, 2017 - Written by

Gudoomiyaha gobolka maroodi Jeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug(Buraale) ayaa digniintii ugu dambaysay u diray sariflayaasha suuqyada Hargeysa iyo jaadlayaasha.

Gudoomiye Buraale  waxa uu sheegay inay jiraan sariflayaal iyo jaadlayaal aan ilaa hada ku dhaqan amaradii ka soo baxay xukuumada somaliland ee lagu xakamaynayey sicir bararka dalka ka taagan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan maanta ka hadlaya amarkii ka soo baxay madaxweynaha somaliland iyo golihiisa wasiiradda ee ku aadanaa sicir bararka aafeeyey wadanka, gudoomiye gobol ahaana waxaan digniino u dirayaa dadka aan ilaa hada ka waantoobin sicir bararkii iyo aafadii ay umada kula dhex jireen, waxaanan soo xaqiijiyey in niman sariflayaal ah iyo

nimanka jaadlayaasha ahi aanay u hogaansamin amarkii dawlada, anigu intaan lacag  20 doolar ah ula tagay ayaan ku idhi ii sarifa, midi waxa waxa ii iigu sarifay 160,000 midina waxa iigu sarifay 150,000 waxaanan ku idhi adeer wixii aan anigu ka digayey madaxweynuhuna amarka ka soo saaray inaan anigu qaato ma doonayo ee 140,00 I sii wixii kalana la hadh ilaahayna ka yaab oo umada aafada ka daa, waan u digay waanu iga qaatay.”ayuu yidhi gudoomiye Buraale oo u waramay Somali Cable

Gudoomiye Buraale ayaa sheegay inay digniintii ugu dambaysay u dirayaan dadka aan u hogaansamin amarkii madaxweynaha waxaanu yidhi “Waxaanu ognahay oo aan soo xaqiijiyey inay jiraan dad badan oo aan  ilaa hada ku dhaqmin amarkii madaxweynaha, dad badana way qaateen oo waan ugu hambalyeynaynaa laakiin inta aan qaadan waxaanu idiin diraynaa digniintii ugu dambaysay.”

Gudoomiye Buraale ayaa sidoo kale shaaciyey inay hawl galin doonaan ardayda ku jirta jaamacadaha iyo ciidamada si ay ugu kuur galaan dadka aan u   hogaansamin amarkii ka soo baxay madaxweynaha waxaanu yidhi “Waxaanu hawl galin doonaa ardayda mutawaciinta ah ee ku jirta jaamacadaha iyo ciidamada kala duwan ee amniga qaranka, dhawr boqol oo inan ayaanu ku soo daynaa suuqa kuwaas oo si taako taako ah ula socon doona maceeshada,sarifka iyo waxyaabaha ka socda suuqa waxaanay dul tagi doonaan ganacsade kasta iyo sarifle kasta, waana digniintii u dambaysay ee yeynaan iskaga hor iman, ciidamada amaanka iyo ardayda dhalinyarada ah ee ku jira jaamacadaha dalka ee ka naxaya dalkooda iyo dadkooda una tudhaya masaakiinta aan awoodayn sicir bararkaas waxaan leeyahay u diyaar garoobaya sidii aad hawshaas uga qayb qaadan lahaydeen, shacabkana waxaanu uga baahanahay inay gacan buuxda nagu siiyaan waayo waa dalkeenii iyo dadkeenii.”

 

 

COMMENTS