Raysal Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid oo safar ugu ambabaxay Nairobi
February 3, 2017 - Written by

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa galabta safar deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, maalin kaddib go’aankii Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

 

Cumar C/rashiid ayaa diyaarad gaar ah ka qaaday magaalada Magaalada Muqdisho, iyadoo safarkiisa Kenya uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Mr Cumar C/rashiid uu kulamo ku leeyahay Nairobi, waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu la balansan yahay Mas’uuliyiin Kenyan ah.

Maxkamadda Caalamiga ayaa shalay diiday dalabkii dowladda Kenya oo ahaa in murankii dhinaca badda ahaa lagu xaliyo wada xaajood, iyadoo Maxkamaddu go’aamisay inay dacwada qaado, taasoo aheyd codsigii dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Cumar C/rashiid oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay heshiiskii is afgaradka Badda ee la saxiixay sanadkii 2009, isagoo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare, kuna amray Wasiirkii Qorsheynta C/raxmaan C/shakuur inuu saxiixo heshiiskaas.

Ololihii Cumar C/rashiid ayaa haatan hoos u dhac weyn ku yimid, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin in waxyaabaha saameynta ku yeelanayo ay ka mid tahay arrinta Badda.

COMMENTS