Xaakim Federaal ah oo laalay xanibaada Donald Trump uu ku soo rogay 7 dal oo Muslim ah
February 4, 2017 - Written by

Xaakim ka tirsan Federaalka Mareykanka ayaa si KMG ah u hor-istaagay xannibaadii Madaxweyne Trump ku soo rogay dadka ka imaanaya 7-da dal oo Muslimiin ah in aanay soo geli karin Mareykanka.

 

Xaakimkan oo lagu magacaabo James Robart oo ku sugan Seattle ayaa gaashaanka ku dhiftay is hor-taagid ka timid qareenno u doodayay Xukuumadda oo difaacayay goโ€™aankii Trump.

Sidoo kale xaakimkan ayaa sheegay in si deg deg ah loo qaadi karo xayiraadan, isla markaana la dhageysanayo kiiska dhanka sharciga.

Maamulka Trump ayaa la filayaa inay racfaan deg deg ah ka qaataan xukunkan, kaasoo caqabad weyn ku noqonaya goโ€™aankii horay u soo saaray.

Maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.

COMMENTS