Hal Qof Oo Ku Geeriyoodday Rasaas Ka Qaraxday Askari Boolis Ah Iyo Dhaawacyo Soo Gaadhay Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa
February 4, 2017 - Written by

Hal qof ayaa ku dhintay, lix kalenna way ku dhaawacmeen, kadib markii uu Askari ka tirsan Ciidanka Booliska magaalada Baligubadle uu Qori kaga qarxay  goob ay ku sugnaayeen Dadweyne tiro badan oo loo qaybinnaayay Raashinkii Abaaraha.

 

Sida uu ku soo waramaayo Wariyahayaga magaaladda Baligubadle ee ayaa waxa uu sheegay in falkani dhacay kadib markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ay Qorigiisa ka furantay Rasaas  is-daba socota, taasoo uu ku dhintay Wiil da’ddiisa lagu qiyaasay 25-jir oo lagu magacaabo  Xikam Aw Cabdi Aadan Diiriye,  waxaanna rasaastaas uu dhaawacyo ka soo gaadhay lix ruux oo kale, hase yeeshee ma jiro wax tafaasiil ah oo intaas ka badan.

Si kastaba ha ahaatee shan ka mida Lixdii ruux ee dhaawacyaddu soo gaadheen waxa loo soo qaadday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeisa, halkaasoo lagu daawaynnaayo hadda.

 

COMMENTS