Daawo;Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamud Oo Safarkiisii JigJiga kusoo Gabo- gabeeyay Dhaanto iyo Qoobka Ciyaar.
August 13, 2016 - Written by

JigJig(www.gacanlibaaxnews.com)_Madaxweynaha  Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu booqasho  saddex maalmood ah ku tegay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia..

 

Madaxweyne Xasan sheekh  ayaa intii uu joogay magalada  Jigjiga waxaa uu kulamo la yeeshay madaxda Dowlad Degaanka Soomaalida iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Ethiopia.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ahayd xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii iskaashi dhow ay u yeelan lahaayeen labada dhinac, iyadoo la eegayo horumarka ka jira caalamka iyo gobolka.

Madaxweynaha ayaa intaanu ka soo ambabixin Jigjiga waxaa uu ka qeybgaley xaflad si rasmi ah loogu sagootinayey oo uu ka soo qeybgaley Madaxweynaha Dowlada Degaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Golaha Wasiirada, Baarlamanka , hawlwadeenada iyo shacabka Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa halkan Khudbadka jeediyay  waxaa uu  sheegay muhimadda amniga iyo nabadgelyada geeyiga, isagoo balanqaadey inuu ka shaqeyn doono nabadeynta  iyo midnimada Soomaaliya  meel kasta oo ay joogaan.

“Mar kale waxaan idinkaga mahad celinayaa soo dhoweynta qiimaha leh ee aad aniga iyo wafdigeyga inoo fidiseen. Horumarka dhulkiina ka muuqda waa mid uu sal u yahay nabadda. Waa inaad mar walba muhimadda siisaan nabadda, waayo waa furaha horumarka ee ummad kasta ee dunida ku nool ay u baahan tahay. Waxaan u taaganahay , mar walbana u istaagi doona taageerada iyo ka shaqeynta nabadda Soomaalida meel kasta oo ay joogaan’’.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale khudbaddiisa ku xusay inuu shacabka Soomaaliyeed ku wargelin doono xaaladda wanaagsan ee shacabka Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia ku nool yihiin, isagoo intaa ku darey in horumarka ka muuqda degaanka uu yahay mid ku dayasho mudan.

Madaxweynaha ayaa shacabka Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia u jeediyay dardaaran ku aaddan adkeynta midnimada, nabadgelyada iyo inay ka fogaadaan wax kasta oo kala geyn kara.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad nabad iyo iskaashi wax wada qabsi kula noolaataan qowmiyadaha kale ee ka jira dalkiina Ethiopia. Iska ilaaliya qabiilka siyaasadeysan oo hadafkiisu yahay in ummadda lagu kala qeybiyo, laguna burburiyo hay’adaha dowliga. Waxaa siyaasaddaasi foosha xun inta badan adeegsada dadka siyaasadda ku fashilmey ee danaha gaarka ah leh. Waxaad kaloo iska ilaalisaan kuwa diinta sida khaldan u adeegsanaya. Waa dhab inaan qabaa’il ka soo jeedno, laakiin yaaney noqon mid na lagu burburiyo. Diinteena muqaddaska waan dhowreynaa, laakiin waa inaan ka ilaalinaa kuwa sida xun ugu daneysanaya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay baaq ku saabsan in labada dal ay iska kaashadaan sidii ay uga adkaan lahaayeen kooxaha doonaya inay carqaladeeyaan nabadda labada dhinac iyo gobolka intiisa kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku soo sagootiyey Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

 

www.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

 


 











 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS