Madaxwaynihii Dalka Brazil Dilma Rouseff Oo Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey.
September 1, 2016 - Written by

Madaxwaynihii Dalka Brazil  Dilma Rouseff Oo Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey.

Hargeysa(GLN)_Aqalka sare ee baarlamaanka dalka Brazil ayaa u codeeyay in xil ka qaadis lagu sameeyo Madaxwaynihii Hore waddanka Brazil  Dilma Rouseff, kadib markii lagu helay dambi iyo inay musuq maasuqday miisaaniyadaka gaysatay  dalkaasi.

61 xubnood ayaa u codeeyay in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxwaynihii hore Brazil  Ms Rouseff, halka 20 ay diiday, waxaana markii hore loo baahnaa in saddex meelood labo meelood ay xilka  qaadi karan.

Haweeneydan Madaxweynaha ka aheyd Dalka  Brazil ayaa tan iyo bishii May shaqada laga fadhiisiyey, kadib markii laga keenay mooshin ka dhan ahaa.

Ms Dilma Rouseff Waxaa loo haystaa inay qarisay sida uu u xun yahay dhaqaalaha waddanka, ka dib markii ay wax ka badashay miisaaniyada waddankaasi.

Madaxweyne kuxigeenka Brazil Michel Temer ayaa maanta la filayaa in si rasmi ah xilka Madaxweynenimo loogu dhaariyo, kadib markii tan iyo bishii May uu si KMG ah xilka u hayay.

Ms Rousseff, ayaa  ahayd  madaxweynihii ugu horeeyay oo dumar ah ee dalka Brazil waxayna sheegtay in dacwada ay tahay inqilaab ay samaynayaan siyaasiyiinta garabka midig.

COMMENTS