Dagaal culus u dhaxeeya AMISOM iyo Ururka Al-Shabaab oo ka socda deegaan ka tirsan Sh/Dhexe.
February 7, 2017 - Written by

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee Gobolka ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab uu ka socdo deegaanka Miir-tuugo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa yimid, kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Kolonyo ka tirsan AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa Biyo Cadde iyo Miir-tuugo.

Wararka ayaa sheegaya in tuulooyinka ku dhow dhow degmada Mahadaay laga maqlayo hubka culus ee la isku adeegsanayo.

Dagaalka ayaa saameyntiisa laga dareemay magaalada Jowhar, iyadoo ciidamo gurmad oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ay ka ambabaxeen Jowhar.

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi ayaa saldhig ku leh deegaanada Biyo cadde, Miir-tuugo iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Mahadaay.

Deegaanka Miir-tuugo ayaa u jira magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, illaa 47,KM.

wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

COMMENTS