Ururka Al-Shabaab oo caawa weerar ku qaaday saldhig AMISOM ku leeyihiin duleedka Ceelasha Biyaha Ee Muqdisho.
February 7, 2017 - Written by

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab uu caawa ka socdo meel u dhow deegaankaas oo ay saldhig ku leeyihiin AMISOM.

 

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada AMISOM oo ku yaala Ceelka Arbacow oo u dhow Ceelasha Biyaha.

Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ku soo waramaya inay maqlayaanย madaafiic culus oo la is weydaarsanayo, waxaana yaraaday dhaq dhaqaaqa deegaankaas.

 

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo si aad ah looga dareemay deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan ayaa imaanaya, iyadoo si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow, waxaana ciidamo fara badan la dhigay waddooyinka soo gala Muqdisho.

COMMENTS