Madaafiic hoobiyeyaal ah oo caawa laga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho
February 7, 2017 - Written by

Qaraxyo u muuqday madaafiic hoobiyeyaal ayaa goor dhow laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dhaceen.

 

Dad ku sugan degmooyinka koofureed ee magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya inay maqlayeen dhowr jug oo u ย madaafiic Hoobiyeyaal soo dhacay.

Madaafiicda ayaa ku soo dhacay xaafado ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana mid ka mid ah madaafiicda ku dhaceen halka loo yaqaano Xaafada Kalluunka oo ku dhow Hotelka Jazeera.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka madaafiicdan uu ahaa dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo berri ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo bandaw labo maalin ah lagu soo rogay, kaasoo saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii dadka iyo gaadiidka.

COMMENTS