War Deg Deg Ah:-Musharax Cumar Cabdirashiid Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Tanaasulay Tartankii Uu Ugu Jiray Madaxtinimada Somaliya
February 8, 2017 - Written by

Musharax Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartankii uu ugu jiray madaxtinimada somaliya.

Cumar Cabdirashiid oo hadal kooban jeediyey intii aanu bilaabmin wareega labaad ee doorashada madaxtinimada ayaa sheegay inuu gartay inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa madaxtinimada somaliya, waxaanu u mahad celiyey xildhibaanadii u codeeyey wareegii hore ee doorashada madaxtinimada somaliya.

Cumar Cabdirashiid waxa uu si dadban u sheegay inuu garanayo halka uu u socdo damaca xildhibaanada ee la xidhiidha cida ay doonayaan inay u doortaan madaxtinimada somaliya, isaga oo aan carab dhabin musharax kaliya.

 

COMMENTS