Boqollaal qaxooti ah oo lagu xiray dalka Mareykanka
February 11, 2017 - Written by

Dadka u ololeeya arrimaha qaxootiga ayaa sheegay in boqollaal qof oo muhaajiriin ah lagu soo qabqabtay howlgallo Mareykanka ka dhacay.

Saraakiisha waaxda socdaalka ee Mareykanka waxay sheegeen in howlgallada ay ka fuliyeen Los Angeles, Atlanta, Chicago, New York, Texas iyo North-Carolina.

Arrintaasi ayey ku tilmaameen inay qeyb ka tahay u hogaansamidda shuruucda Trump uu soo rogay.

Laakiin xubnaha socdaalka waxay sheegayaan in howlgallada noocaan ah ay la mid yihiin kuwa caadiga ah ee ka dhanka ah burcadda.

Waxay tilmaameen in madaxweynayaashii hore xilligoodii la sameyn jiray howlgallo noocan ah.

Daawo: Sida uu amarka Trump u saameeyay Soomaalida sugeysay in loo qaado Mareykanka

Hay’ad u dooda xuquuqda qaxootiga Los Angeles (Chirla 2) ayaa sheegtay in dadka la xiray loo diiday inay qareeno helaan.

Gabdha Soomaali ah oo sugayay in loo qaado Maraykanka oo dareenkooda ka warramay

Xilli sii horeysay, dowladda Mexico ayaa muwaadiniinteeda uga digtay dacwadaha ay Mareykanka ku wajihi karaan.

Waxay ugu baaqday inay xiriir toos ah la yeeshaan safaaradda Mexico ee Mareykanka.

Arrintaas ayaa ka dhalatay ka dib markii Mareykanka laga musaafuriyay haweeney Mexico u dhalatay.

COMMENTS