Dagaal xalay ka dhacay deegaan u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad
February 13, 2017 - Written by

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30Km u jira Jowhar.

 

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaas.

Illaa saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ayaa ku dhintay dagaalka, halka afar kalena ku dhaawacmeen oo ahaa dad rayid ah.

Dagaalyahanadii soo weeraray deegaanka ayaa la sheegay inay dib u laabteen, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidanka dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayna cabsi weyn la soo deristay, balse xaalada ay iminika tahay mid degan.

Qalimow ayaa ah deegaan qadiimi ah, waxaa ay u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

COMMENTS