Abwaan Gabay Ugu Hambalyeey Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xabsiga Loogu Taxaabay Magalada Burco.
February 14, 2017 - Written by

Burco (GLN)- Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer ayaa goordhaweyd xabsiga u taxaabay Abwaan Maxamed C/laahi “Galaydh” oo kamid ah Abwaanada wakhtiga ugu caansan geyiga Somaliland , isla markaana ah kuwa sugaantooda aadka loo jecalyahay.

Abwaan Maxamed Galaydh ayaa la sheegay inuu xadhigisii la xidhiidh Gabay uu laba cisho ka hor tiriyey oo ugu hambalyeeyey Madaxwenyaha Cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo ay maalmihii ugu dambaysa ciidamada kala duwan ay ku hawlanayee sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen Abwaanka, balse maanta ayaa ay usuurta gashay in qabtaan Abwaan Galaydh una taxaabaan xabsiga.

Dhanka kalena waxa kale warar hoose ay sheegayaan in ciidamada kala duwan ee booliska gobolka Togdheer ay raadinayaa Abwaan Cali dhanaaneeye oo isna Abwaanka la xidhay hadda ku weheliyey Gabayo  ay Madaxweyne farmaajo si wadda jira ugu amaaneen.

Isku soo wadda duuboo Abwaan Maxamed Galaydh ayaa hadda ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Burco, waxaana la sheegay in lagu haysto Gabay uu ku amaanay madaxweyneha cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed C/laahin Farmaajo, halka la raadinayo weli saxiibkii Abwaan Cali Dhanaaneeyey

COMMENTS