Dawlada Somaliya Oo Ganafka Ku Dhufatay Heshiiska Saldhiga Milatari Ee Dhex Maray Somaliland Iyo UAE
February 14, 2017 - Written by

Dawlada federaalka ah soomaaliya ayaa ka hadashay heshiiska saldhiga milatari ee xukuumada somaliland la gashay dawlada imaaraadka carabta.

Hanti dhawraha guud ee dawlada somaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiiska xukuumada somaliland la gashay dawlada imaaraadka ee ogolaanaya in dawlada UAE ay saldhig milatari ka furato magaalada Berbera.

Dr. Nuur Faarax  Jimcaale ayaa tilmaamay in heshiiisku uu ahaa mid labo dhinac ah, waxaanu sheegay In hir gelintiisa ay ka dambeeyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada somaliland iyo dawlada federaalka ah soomaaliya, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Heshiiska saldhiga milatari waxa uu ahaa mid laba af leh, mar waa xad gudub

qaran marna waa heshiis musuq maasuq oo shakhsiyaad ka mid ah somaliland iyo dawlada federaalku ay ku iibinayeen dhulkooda kuwaas oo heshiis la galay imaaraadka.”ayuu yidhi Dr Nuur Faarax oo la hadlay VOA

Hanta dhawraha guud ee Somaliya ayaa xidhiidh ka dhaxaysiiyey heshiiska saldhiga milatari ee xukuumada somaliland la gashay dawlada imaaraadka iyo kii ay la gashay DP World waxaanu yidhi “ masuuliyiin sar sare oo ka tirsan somaliland iyo dawlada federaalka ah ayaa wax ka ogaa heshiiskii DP World, heshiiskaas hore ayaana runtii dhalay kan saldhiga ciidaanka imaaraadku ka furanayaan Berbera  waana mid xad gudub ku ah umada somaliya.”

 

COMMENTS