Ciidanka Booliska Somaliland Oo Xabiga U Taxaabtay Wariye Cabdimalik Muuse Cooldon.
February 15, 2017 - Written by
Wararka hadda na soo gaadhaya ayaa sheegay in ay ciidanka booliska magaalada Hargeysa ay xabisga u taxabeen Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, kadib markii uu ka soo laabatya socdaal uu ku tegay magaalada Muqdisho.


Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa la sheegay in ay ciidanka booliska ay ka qabteen goordhawey madaarka Hargeysa xili uu wariye Cabdimaalki uu ka soo laabtay socdaa uu ku tegay magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ay xukuumaddda Somaliland ka soo saartay xadhiga wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, balse wararka ayaa sheegay in weriyaha loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.


Si kastaba ha -ahaatee Ciidanka booliska magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, kadib markii uu ka soo laabtay maanta socdaal uu ku tegay magaalada Muqdisho.

COMMENTS