Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo martiqaaday Madaxweynihii hore iyo kooxdiisa
February 18, 2017 - Written by

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa martiqaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa, kulankan ayaa ka dhacay xarunta Safaaradda ay ku leedahay Xeebta Liido ee degmada C/casiis.

 

Kulankan martiqaadka ayaa waxaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ku wehliyay Xildhibaanada kala ah Faarax Sheekh C/qaadir, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Cali Balcad iyo Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim.

 

Qoraal kooban iyo sawir la soo geliyay barta Facebook ee Safaaradda Turkiga ayaa lagu sheegay inay martiqaaday Madaxweynihii hore iyo kooxdiisa horay ula soo shaqeysay, waxayna u rajeeyeen wanaag.

Waxaa kulankan goob joog ka ahaa Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Olgan Beker iyoย Safiirkii hore ee Turkiga ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kani Torun.

Ilo ku dhow dhow kulankan ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu uga mahad celiyay Turkiga kaalintii ay ka qaateen horumarka iyo taageerida Soomaaliya, waxaana uu si gaar ah uga mahad celiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladdiisa.

Safaaradda Turkiga ayaa ku bogaadisay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan iyo waxyaabihii ay ka qabteen dalka mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor wareejiyay Xarunta Madaxtooyada, isagoo degay guri ku yaala magaalada Muqdisho.

COMMENTS