Madaxa wakaaladda ilaalinta deegaanka Maraykanka oo xilka loo dhaariyey
February 18, 2017 - Written by

Ninka uu madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, u magacaabay inuu noqdo madaxa wakaaladda ilaalinta deegaanka ayaa loo dhaariyey xilka.

Scott Pruitt, oo hore u dhaliili jiray wakaaladda ayuu ansixiyey aqalka Senate-ka ee ay aqlabiyadiisa haystaa xisbiga Jamhuurigu, inkasta oo ay isku dayeen Dimuqraadigu in ay horjoogsadaan.

Garsoore ka tirsan maxkamadda gobolka Oklahama ayaa Khamiistii ku amary inuu ugu dambayn maalinta Salaasada ah soo badhigo e-mail o ay isweydaarsadeen isaga iyo madaxda shirkadaha gaasku.

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga kaga jira Senate-ka ayaa hore u qaadacay kulan hore oo cod loogu qaadayay in aanu soo bandhigin e-mail-ladiisa waxaanay ku doodeen inuu aad ugu xidhan yahay shirkadaha gaaska.

Sources;Bbcsomali

COMMENTS