War Deg Deg ah ;Madaxwaynaha Somaliland iyo Wafti u Hogaaminaayo Oo Saaka Safar Ugu Baxay Gobolka Awdal.
August 13, 2016 - Written by

Hargeysa(www.gacanlibaaxnews.com)_

Madaxwaynaha Somaliland Mudane  Axmed Maxamed maxamud Siilaanyo iyo Wafti Baladhan uu hogaaminaayo ayaa Saaka  ka ambabaxay magaalada Hargeysa.

Madaxwayne Siilaanyo iyo waftigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal iyada oo lagu Wado in madaxwaynuhu uu xadhiga ka jaro mashaariic dhinaca wadooyinka ah oo ay  xukumada Somaliland  ka fulisay Gobolka Awdal iyo sidoo kale Waddada isku xidha magaalooyinka  Dila iyo Kalabaydh oo maalmihi ugu danbeeyay lagu jiray gabo gabeeyteeda,

halkaasi oo lagu Wado in uu maanta madaxwaynuhu xadhiga ka jaro wado 18Km ah oo ay xukumada Somaliland maal galisay mashruuca horumarinta Somaliland ee loo yaqaan SDF,

Safarka  madaxwayne axmed maxamed maxamud siilaanyo  ayaa waxa ku wehelinaaya xubno ka Tirsan  golaha wasiirada iyo msauuliyiin ka soo jeeda Gobolka Awdal.

Wwww.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/office

 

 

COMMENTS