Waxay Raadinaysay Aabbaheed Oo Dhintay! WQ: Nasra A. Axmed
February 20, 2017 - Written by C M

Goor casarnimo ah ayaan ka soo baxay guriga. Meeshu waa Hargeysa oo waxa aan u socday xarunta iigu dhow ee shirkadda Telesom si muraad aan u lahaa uga soo qabsado. Waxan soo istaagay daaqad ka mid ah kuwa macaamiisha looga adeego. Goobta aan soo joogsaday oo uu shaqada ku hawlanaa mid ka mid ah shaqaalaha Telesom, ayaan markiiba dareenmay inuu yahay shakhsi meesha ku cusub oo aan hore u joogi jirin lakiin maalmo kooban ka hawl galayey shirkada.

Meesha dhawr qof baa isugu yimi oo isa soo gaadhey, lakiin askari ayaa meesha na la jooga oo garanaya caddaalada iyo sidii loo soo kala horreeyey ee ay dadkani xaqa u kala leyahiin. Wax yar oo aan badnayn Markaan tagnaa ayey soo gashay hooyo wadata ilmo yar oo inan ah. Inanta yar waxa aan da’ ahaan ku qiyaasay 4 sanno haddii aaney ka ba yarayn. Waxa ka muuqata dhaqaalayn badan oo si fiican baa loo koriyey. Si fasiix ah ayay ugu hadlaysaa Af Soomaliga. Aad bey u bood boodaysaa oo ugu ciyaraysaa kuraasida Meesha taala ee loogu talo galay in macmiilku ku sugo inta loo adeegayo ama ama lagu kala nasto meeshu marka ay buuxdo.

Wey hadlaysaa inanta yari oo waxay kolba cod dheer ku leedahay: “Hooyo Aabo Mee? Miyaanu fadhiyin meesha?” “Aabbo aabbo aabbo ila hadal ku mee aabbo.”

Hooyadeed kolba way soo qabanaysaa oo waxay ku leedahay: “Hooyo istaag oo ha jabin. Aabbo ma joogo hooyo ee Istaag.” Ayey kol ba ku odhanaysaa ilmaha yaraa ee faraxsan isla markaana meesha ka raadinaya aabbaheed.

Anigu dareen baan qaatey ah in ilmaha yar meesha aabbaheed ka shaqayn jiray, hadda se laga beddelay ama shaqadii uu shirkadda u hayeyba laga joojiyey.

Waxaas oo dhammi waxay dhacayaan daqiiqado isku xiga oo labadayaduba sugaynno dadka naga horeeya ee loo adeegayo.

Waxa aan si la ma filaan ah u arkay hooyadii ilma yar qabanaysay oo ilmaynaysa. Cod aad ka jidhidhicoonaysa na kula hadlaysa ilmahii yaraa oo ku leh: “Hooyo istaag aabbo ma joogo oo wuu tegay’e.” Lakiin inanta yar u ma cadda hadalka hooyadeed ee weli magacii aabbaheed ayey ku hadaqaysaa.

Waxa aan markiiba hooyadii weydiiyey waxa ku dhacay aabbaha ay inanta yari raadinayo, maadaama oo aanu aad isugu dhawayn.

Waxay ii sheegtay in inanta yar aabbaheed oo gabadhana saygeedii ahaa uu kursigan uu hadda ku fadhiyo wiilka cusub ee noo adeegayaa uu maalmo ka hor fadhiyey, xaruntana ka hawlgeli jiray lakiin uu hadda geeriyooday oo mawta-qafle helay.

Halkaas markay marinayso ayaa isna waxa hadalkii maqlay inankii fadhiyey meesha ee noo adeegayey oo isna goorahaaba nala socday, maqlayayna dhawaaqa ilmahan yar ee iyadu aadka u ciyaaraysa.

Waxa aan dib u eegay ilmihii yaraa ee aadka u faraxsanaa ka dibna waxa aan is barbar dhigay xaaladda ay ku sugan tahay ee ay aadka u ciyaarayso iyo aabbaheeda ay raadinayo ee Maydka ah ee ka Hoseeya.

Waxa aan la dareemay xaaladda aabbo la’aaneed aniga oo markaas is celinkari waayey ilmo darteed. Is na waxa aad isu beddelay inankii ka shaqaynayey meesha markii hooyadii uga sheekaysay qisada ilmahan yar ee meesha ka dhex raadinaysa aabbaheed.

Runtii way itaabatay inantaas yari oo weli waxaa ii sii sawiran ciyaarteedii iyo sidii ay aabbaheed oo Dhintay u baadi-goobaysay Ax Ax Ax Ax Ax!!!.

Alle ha u naxariisto aabboheed iyo dhamaan walidkeen ba intii innaga horreysay, Allahuma Aamiin.

Qore: Nasra A. Axmed

Hargeysa, Somaliland


NB: Waxa aanu shabakad ahaan u mahacelinaynaa Nasta oo naga yeeshay dalab ah in aanu sheekadda tifaftir iyo axadhis ku samaynno.

COMMENTS