Kooxda Al-shabaab ayaa saddex Qof Oo rayid ah ku diley deegaanka Biyo Cade Ee gobolka Sh/dhexe.
September 2, 2016 - Written by

Wararka ka imanaya deegaanka Biyo-cadde ee ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay lagu diley deegaankaas saddex ruux oo rayid ah oo kamid ah dadka ku nool deegaankaas.

Dadka la diley ayaa waxaa kamid ahaa wiil iyo aabihii halka qofka kalena uu ahaa nin ay qaraabo ahaayeen oo xalay u soo martiyay.

Wararka ayaa sheegaya in xilli saqdii dhexe ay kooxo hubeysan u soo dhaceen guriga ay degenaayeen qoyska kadibna halkaa ku dileen.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka dadkan rayidka ah hase yeeshee qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in ka dambeeyeen dilka dadkan ururka Alshabaab.

Deegaanka Biyo Cadde ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM kala wareegeen ururka Alshabaab.

Ciidamo isugu jira kuwa dowlada Soomaaliya iyo qaar kale oo ka mid ah AMISOM ayaa fariisimo ku leh deegaanka Biyo Cadde oo kamid ah deegaanada waaweyn ee gobolka Sh/dhexe.

Sources;Jowhar

COMMENTS