Shacabka Muqdisho Oo Taageerada Raysal Wasaaraha Isku Soo Bax Ku Muujiyey Iyo Xasan Cali Khayre Oo Ka Dareen Celiyey+Sawiro
February 24, 2017 - Written by

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Somaliya ayaa maanta iskugu soo baxay dibad baxyo ay ku taageerayaan raysal wasaaraha cusub ee uu dhawaan magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Shacabka Muqdisho ayaa si weyn  u muujiyey taageerada ay u hayaan raysal wasaaraha ku cusub saaxada siyaasada somaliland, iyaga oo soo bandhigay dareenka ay ka qabaan in xukuumadiisu ay wax badan u qaban doonto.

Dibad baxan lagu taageerayo raysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaano iyo madax dhaqameed kala duwan, kuwaas oo muujinayey dareenka ay ku

qaabilayaan raysal wasaaraha cusub.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay dadka isku soo baxay  ayaa sheegay in shacabka gobolkiisu ay taageersan yihiin raysal wasaaraha cusub iyo madaxweynaha soo magacaabay isla markaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka somaliya oo iyaguna la hadlay dadka isku soo baxay ayaa sheegay inay la dareen yihiin dadweynaha isla markaana ay soo dhawaynayaan raysal wasaaraha cusub.

Dhinaca kale raysal wasaare XasanCali Khayre oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ayaa shacabka Muqdisho uga mahad celiyey siday u muujiyeen taageerada ay u hayaan.

 

 

COMMENTS