Diyaaradda Kenya Airways oo loo ogolaaday inay duulimaad toos ku tagto Mareykanka
February 24, 2017 - Written by

Diyaaradda Kenya Airways ayaa loo ogolaaday in duulimaad toos ah ku tagi karto dalka Mareykanka, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Gaadiidka Kenya James Macharia.

 

Maamulka Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegay inay buuxiyeen dhamaan shuruudaha u degnaa dhanka ammaanka diyaaradaha iyo dhamaan wixii adeegyo kale ee looga baahnaa diyaaradooda.

Diyaaradda Kenya Airways ayaa rakaabka ay ka qaado magaalada Nairobi geyn jirtay dal saddexaad sida dalka Holland, gaar ahaan magaalada Amsterdam,ย oo diyaarad kale oo Mareykanka toos u tageysa ka qaadi jirtay.

Sidoo kale diyaarada US Delt Airlines iyo diyaaradaha kale ayaa iyana duulimaad toos ah waxay ka bilaabi doonaan Kenya illaa Mareykanka.

Garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta ayaa waxaa lagu soo kordhiyay qeyb cusub oo Terminal-ka ay dadka ka dhoofaan, waxaana la sheegay in tani qeyb ka aheyd shuruudaha looga baahnaa.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa ah diyaarada kaliya ee geeska Afrika oo duulimaad toos ah ku tagta magaalooyinka Mareykanka.

Kenya ayaa muddooyinkii u dambeysay waxay weeraro kala kulmeysay Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

COMMENTS