Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dawladda Md. Cali Maxamed Saalax (Cajab) iyo Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo ee shirkadda TELESOM oo ku hadlayaayey afka Shirkadda ayaa si qoto-dheer uga hadlay xaaladda abaaraha ee dalka ka jirta. Masuuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in xarumo waaweyn ee shirkaddu ku leh dalka ay si heer gobol ah iyo si guud ba ugu qayb-qaadatay abaaraha dalka ka jirta, goor kasta ay shirkaddu diyaar u tahay inay bulshadeeda la qaybsato dhibta iyo dheeftaba.
Sheekh Maxamed Aadan oo ku hadlaayey Afka guddida gurmadka Abaaraha ee heer qaran ayaa shirkadda TELESOM uga mahadnaqay taakulaynta joogtadda ee ay shirkadda kaga qayb-qaadanaysay tan iyo intii madaxweynaha Somaliland ku dhawaaqay baaqii gurmada Abaaraha, waxaanu sheekha hadaladiisii ka mid ahaa, “Si gaar ah waxaynu ugu mahadnaqaynaa shirkadda Telesom oo dadaal badan runtii ku bixisay dadkaa jilicsan inay saacido. Waxay maanta halkan guddidu u timid, madaxda TELESOM-na u marayaan waa timir, timirtaasi oo sidii hore loo sheegayay iska kaashadeen guddida Taakulaynta Qaranka iyo shirkadda TELESOM oo 10 koontiinar ah in ay si toos ah u soo wadda wareejiyaan guddida”.
Ugu dambayn waxaa munaasibadaa xafladda wareejinta deeqda timirta ah ka hadashay Wasiiradda Horumarinta deegaanka iyo Reer Miiga Marwo. “Halkan waxaan maanta ugu mahad-celinayaa runtii, Ilaahay baa mahad lehe, Shirkadda TELESOM oo si hagar la’aan ah isugu taxaluujisay inay inaga kaabto waxyaalo fara badan oo imika intii waayuhu ina hayeen iyaddu dhexda u soo xidhatay”.
Shirkadda TELESOM GROUP iyo shaqaalaheeda ayaa tan iyo intii abaaruhu dalka ku dhufteen, waxay si joogta ah lacag kor u dhaaftay hal milyan oo Dollar ku bixisay gurmaddii abaaraha ee dalka ka soo bilaabmay bishii Augsto 2016. Shirkadda ayaan marnaba ka daalin in guud ahaan ay goboladda, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka ka fuliso gurmadda abaaraha waxaaay shirkaddu hawl-galisay dhamaan masuuliyiinta shirkadda uga wakiil ah dalka guud ahaan. Shirkadda TELESOM GROUP, Saamilaydeeda iyo Shaqaala weynaheeda waxaa ka go’an inay naf iyo maalba u huraan bulshadeeda ay abaaraha baahsani saameeyeen.
Shirkadda Telesom ayaa noqotay shirkadda udu deeq bixinta badan shirkadda waaweyn ee dalka ka jira, marka laga reebo xukuumadda Somaliland oo iyaddu dhabarka u riday dhamaan culayska ay keeneen abaaraha dalka ka dhacay.