Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Booqday Magalada Muqdisho
March 7, 2017 - Written by

Wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wakiilka Qaramada Midoobey iyo saraakiil kale.

 

Safarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu ku yimid magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu la xiriiraa arrimaha abaaraha iyo macluusha ka jirta Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa haatan waxaa uu kulamo uu kula leeyahay garoonka diyaaradaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha gar gaarka sama falka iyo abaaraha ka jira dalka.

Waxaa uu kaloo kulamo la qaadanayaa hey’adaha sama falka ee ku sugan Muqdisho iyo hey’adaha dowladda, si looga hadlo xaalada abaaraha ee ka jirta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalmo ka hor sheegay in illaa 110 ruux ay ku geeriyoodeen qeybo ka mid ah gobolada dalka, cuduro iyo nafaqo darro ka dhashay abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan Qaramada Midoobey ay booqasho ku tagaan magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo ka mid ah gobolada dalka ee sida ba’an u saameysay abaraaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in Soomaaliya ka jirto xaalad musiibo qaran oo loo baahan yahay in deg deg wax looga qabto.

 

COMMENTS