MUDANE KA TIRSAN BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO KA HADLAY MOOSHIN KA DHAN AH SALDHIGA MILATARI EE BERBERA
March 7, 2017 - Written by

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo magaalada Berbera iyo sirta ku jirta.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu arrinta saldhiga uu si aad ah ula socday, maadaama uu yahay Xildhibaan u dhaartay, danta qaranka, tan dalka, dadka iyo diinta ilaalinteeda inuu daacad ka noqdo.

“Dalkeena midnimadiisa qarameed ilaalinteeda wixii taabanaya inaan u feejignaano ayaa naloo dhaaray, taas ayay ka mid tahay, waxa aan ula socday Saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera.

C/llaahi Sh. Ismaaciil ayaa sheegay in Heshiiskii Saldhiga Berbera uu ahaa mid aysan ka war qabin dowladda dhexe, isagoo xusay in aanay aheyn mid la sahlan karo.

“Berbera ayaa heshiis lagula galay Imaaraadka Carabta, dowladda Dhexe aysan war u heyn, arrintaas ma ahan arrin la sahlan karo, heshiiskaas ma hirgeli karo, sharcina ma ahan”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Sheekh Xasan oo wareysi siiyay Telefishinka Universal.

Mar uu ka hadlayay mooshinka ayuu sheegay in Kudladda Wadaniyiinta Baarlamaanka ay diyaarinayaan Mooshinka ka dhanka ah Saldhiga Berbera, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay Baarlamaanka u hor-geyn doonaan si looga doodo.

COMMENTS