War Deg Deg :Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Shil Baabuur Ku Dhaawacmay Oo Ka Dhacay Degmada Baki.
September 3, 2016 - Written by

Borama(GLN)_Wararka ka imanaya Gobolka Awdal Gar ahaan  magalada Lughaya ayaa  sheegayaa in taliyihii ciidanka Asluubta Somaliland Gen Maxamed Cismaan Xudhuun uu ku dhaawacmey shil gaadhi oo galabta ka dhacay inta u dhaxaysa carawayne iyo fadhi-xun ka dib markii gaadhi uu saarnaa taliyuhu Qalibmey.

Gudoomiyaha degmada Lughaya Muddane Dixood ayaa warbaahinta arintani  xaqiijiyey waxaana uu yidhi

“Baabuurka uu watay Jananku waxa uu ka soo baxay dhinaca Lughaya, waxana uu ku socday dhinaca Boorama, waxa uu shil ku galay inta u dhaxaysa Carawayne iyo Fadhi-xun, waxana Janaral Xudhuun soo gaadhay dhaawac dhinaca Dhabarka iyo qoorta ah, sidoo kale dirawalkii baabuurka oo xaaladiisu halis tahay ayaa isaguna KOOMA ku jira, dhaawaca ayaana waxa hada loo qaadey dhinaca magaalada Boorama, ayuu yidhi Gudoomiye Dixood

Jen. Maxamed  cismaan Xudhuun iyo Xubno  kale oo  xukuumada ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasaarada Ciyaaraha, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Biyaha iyo Masuuliyiin kale ayaa maalmahan u dambeeyayba ku sugnaa Lughaya iyada oo deegaanada muran baladhani ka jiro.

COMMENTS