Baarlamaanka Britain oo ansixiyay ka bixidda Midowga Yurub
March 14, 2017 - Written by

Baarlamaanka Britain ayaa ansixiyay sharciga qabyada ah ka bixitaanka Midowga Yurub, iyadoo tallaabadan ay horseedeyso in Xukuumadda ay bilowdo inay hirgeliso ka bixitaanka Midowga Yurub.

 

Xukuumadda ayaa lagu wadaa inay bilowdo dhaqan gelinta qodobka 50aad, si ay u xaqiijiso in UK si rasmi ah uga baxdo Midowga Yurub.

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa ka haray arrimaha la xiriira xaqa degenaanshaha ee Midowga Yurub iyo cod bixin wax ku ool ah oo ku saabsan heshiiska kama dambeysta ee ka bixitaanka.

Sidoo kale ansixintan waxaa cakiriyay ku dhawaaqida Scotland ee qabashada afti labaad oo ay madax banaani kaga qaadaneyso UK.

Boqorada ayaa la filayaa inay si rasmi ah u saxiixdo, si sharcigana u noqdo maanta oo Talaado ah dhaqan gal rasmi ah

Xukuumadda UK ayaa qorsheyneysa in dhamaadka sanadkan ay si rasmi ah u bilowdo tallaabooyinka ay uga baxayaan Midowga Yurub.

Sanadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii afti laga qaaday dalkaas ay uga baxeen ka sii mid ahaanshaha Midowga Yurub.

COMMENTS