Madaxweynaha Somaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Markii Ugu Horeysay Sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka.
September 4, 2016 - Written by

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Xarunta Madaxtooyada somaliya  kulan kula yeeshay haweenka xubnaha ka aha Baarlamaanka Federaalka somaliya  iyo haween ka tirsan ururrada bulshada.

Kulankan oo looga hadlayey qoondada 30% ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka, ayaa Madaxweynaha waxaa uu haweenka u sheegay in shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ee bishii August lagu go’aansadey in si buuxda loo fuliyo qoondada haweenka ee doorashada 2016.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, iyagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka.

xasa-jawari xasan-jawari1 xasan-jawari2 xasan-jawari3 xasan-jawari4 xasan-jawari5Sources;Jowhar

www.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS