Madaxweynaha Somaliya oo Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Uk.
March 15, 2017 - Written by

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson oo saaka booqasho aan horay loo sii shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

 

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha gargaarka sama falka ee UK siineyso Soomaaliya, abaaraha iyo shirka London ee bisha May dhici doona.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson ayaa soo dhoweeyay doorashadii bil ka hor ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso dhinaca dimoqraadiyada.

Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa ah mid hal maalin ah, waxaa la filayaa inuu shir jaraaโ€™id kaga hadlo safarkiisa.

COMMENTS