War-Deg-deg ah: Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland oo Go’aan ka gaadhay Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada
August 11, 2016 - Written by maamule

 

13522072_992637224183464_617349248486598263_nSaddexda xisbi qaran ee Somaliland Ee Kulmiye , Waddani Iyo UCID oo mudooyinkii ugu danbeeyey lahaa Kulamo ay kaga tashanayaan sidii ay xal ugu heli lahayeen Saami qeybsiga Kursaata golaha wakiilada ayaa waxaa ay maanta go,aamo ka gaadheen

Akadamga nabada iyo Horumarinta iyo saddex xisbi oo arintaasi xalinteeda ku jiray ayaa waxaa ay xisbiyada qaranku sheegen in aanay heynin wax xal ah oo arintaasi lagu xaliyo waxaana ay soo jeediyeen in doorashada golaha wakiilad lagu galo sidii lagu galay sanadkii 2005 waxaana ay soo sareen Go,aamadan.

1 :In Madaxeynaha Jamhuriyada Somaliland lagu celiyo arinraasi si uu xal kama danbeysa ah uga gaadho isla markaana uu go,aan uga soo saaro

2 : In Saddexda xisbiba ay go,aankaasi madaxweynuhu soo saray sidiisa u aqbalaaan waxuu noqdaba

4 :In Akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland ay ku dabo gasho saddexda xisbi fulinta go,aanka uu madaxweynuhu ka soo saaro

Xigasho: Codka Somaliland

COMMENTS