Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Oo Meelmariyay In Ciidamo La Geeyo Dalka South sudan.
August 13, 2016 - Written by
juba(www.Gacanlibaaxnews.com)_Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Markii Ugu Horeysay meelmariyay in Ciidamo Tiradodu gadhayso 4000 oo Askari la geeyo dalka South Sudan.
Bilihi la soo dhaafay ayaa waxaay dagaalo ku dhexmaren Ciidama Dowlada iyo kuwa mucaraadka ah gudaha caasimadda jubba.
Dagaaladasi ayaa waxaa ka dhashay dil baahsan, tacaddiyo galmo iyo dhibaatada xaaladda bini’aadamnimo ah.
Waxaa maalmihi ugu danbeyay xooga la saaray intii uu socday shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobay mas’uuliyadda aasaasiga ah ee ilaalinta dadka rayidka ah inay u taalo dowladda dalkaasi.
Ciddamadan cusub ee Afrika ah ayaa waxaa u suura galaysa inay la dagaalaman kooxaha khatarta ku ah dadka Rayidka ah.
Balse milateriga dalkaasi South Sudan ayaa lagu eedeyay inay ka qeybqaateen dilalkii iyo tacadiyadii loo geeystay dad rayid ah intii dagaaladu ay socdeen.
Qarmada Midoobay ayaa ciidan dheerad ah u diraysa dalkaasi iyadoo ay kacsantahay xaaladu.
Ciidammadan dheeradka ah oo gaadhaya Tiradodu ilaa 4000 ayaa qeyb wayn ka qaadan doona sugidda amniga caasimadda Juba, si ay u ilaaliyan garoonka diyaaradaha iyo xaruumo kale oo muhiim ah.
Waxayna amar ku heysataan inay tallaabo ka qaadan koox walbo oo weerar ku qaado xarumaha Qaramada Midoobay, ha’yadaha gargraaka iyo dadka rayidka ah.
Hasa ahaate dalka South Sudan ayaa waxa ay iska diiday qaraarka Qaramada Midoobay iyadoo qaadashada go’aankaasna ku tilmaantay mid nasiib darra ah.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku goodiyay suuragalnimada cunaqabatayn dhinaca hubka ah waa haddii South Sudan aanay muujinin wado shaqeyn.
Iskatay ahaataba tan iyo markii dalka south sudan xornimada ka qatay wadanka sudan ayaa dalkaasi waxa ka jiray dagaalo sookeey kuwaas oo u dhexeyay dowlada waddankaas gacanta ka haysa iyo kooxaha mucaaradka ah.