Hoggaamiyeyaasha Waddamada G20 Oo Shir Uga Furmay Dalka Shiinaha.
September 4, 2016 - Written by

nbqHoggaamiyeyaasha waddamada ugu dhaqaalaha Rroon aduunka ayaa magaalada Hanjuu ee dalka Shiinaha u jooga shirkooda sanad laha ah ee G-20.

Xaaladda dhaqaale ee caalamka ayaa noqon doonta arrinta ugu muhiimsan ee ay hoggaamiyeyaashani ka wada hadli doonaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa ka digay in soo kabashada dhaqaale ee gaabiska ah ee caalamka ay halis ku tahay waddamada saboolka ah.

Maalinta ugu horreysa shirkan ayaa waddamada ka qayb galaya waxa ay yeelanayaan kulamo gooni gooni ah oo ay uga wada hadlayaan iskaashiga ka dhaxeeya.

sources;Bbcsomali

COMMENTS