BOORAMA HAWEENKA GURYAHA DHISA “WAXA AAN AHAY AYEEYO, DHISMEYAASHA GURYAHA AYAANAN KA SHAQEEYAA”
March 16, 2017 - Written by

Waxa Magaalada Borama Waxa ay Ka Mid Tahay Magoolooyinka ay ugu Badan Yihiin Haweenka Ku Shaqaysta Xirfada Kuuliga Oo ay Ku Kaliftay Sababo Jira Awgeed ayaa Waxa aan Borama aan Kula Kulmay Mid Ka Mida Hooyooyinkaasi Ka shaqeeya Dhismaha Guriga ayaa Waxa aan Waydiiyey Sababta Ku Kaliftay Arintaasi Waxa uuna Uu Dhacay Waraysigii Na Dhex Maray Sida Tan.17328218_1279486718836092_276814229_n-640x360

“Waxaan ahay ayeeyo iyo shaqaale dhismaha ka shaqeeya. Da’dayda waxay ku dhawdahay 60 sanno. Ninkaygii wakhti hore ayaanu kala tagnay ku dhawaad 13 sano ayaanu kala maqanahay. Waxaan leeyahay 9 caruura, qaarkood way shaqeystaan oo reero ayeey leeyihin laakin 3 ka mid ah ayaan awoodin oo weli gaadhin inay shaqeystaan. Waxbarasho ayaan ku ku qasbay, kharashka ku baxa aniga bixiya. Waxaan jecelahay inee helaan mustaqbal wacan oo markii hore anigu aanan nasiib u helin hadu Alle idmo. Waayo, dhibaato iyo rafaad inee la kulmaan ma rabo. Waxbarashadda waa furaha nolosha. Dhaqanka Soomaaliyeed, markaad waayeel noqotid, caruurtaada ku daryeesha laakin Inankayga ugu weyn 11 caruur ayuu leeyahay, reerkiisa ayuu u shaqeeya marka culays ma saaro. Runti, shaqo adag weeye, laakin shaqaala adag baan ahay. Maalinta ugu fiican, waxaan qaata 4 doolar. Waxaan soo kalahaa aroortii si aan uu raadsado shaqo dhisme ah. Dumarka Soomaaliyeed ayaa markasta la doorbida dhanka shaqada oo markasta la qaata, waayo waan ka shaqo wacanahay raga. Nidaam baan leenahay, shaqadda aanu qabano waa biyaha oonu soo shubno marna dhagaxa ayaanu gurna marna sibidhka ayaanu qoosh-naa. Qofka noogu yara weyn baa loo dhiibaa biyaha waayo ma awoodi karto culays badan. Waxaan so rawaxnaa salaada Casar waa xiliga caruurtu iskuulka ka so baxaan. Waxaan ka wareesta waxbarashadooda iyo halka wax u marinayaan iyo side uu noolaayeen maalintooda. Mudo 7 sano ku dhow ayaan ka shaqeenayeey shaqaddan, runti waan ku qanacsanahay madaama aanan haysan bedel kale oon ku doorsado.”

COMMENTS