Qarax warqad lagu soo qariyay oo ka dhacay banaanka xarunta IMF ee magaalada Paris
March 16, 2017 - Written by

Warqad qarax lagu soo qariyay ayaa ku qaraxday banaanka Xarunta Hey’adda Lacagta adduunka ee IMF magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

 

Hal qof oo ka mid ahaa shaqaalaha IMF ayaa ku dhaawacmay, booliska ayaa sheegay in ninkan uu furay warqada, kaddibna ay ku qaraxday.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca uu ka soo gaaray wajiga iyo gacanta, iyadoo markii qaraxa uu dhacay xarunta IMF laga daadgureeyay shaqaalihii ku sugnaa

Agaasimaha IMF Christine Lagarde ayaa cambaareeysay, isagoo ku tilmaamay fal fulaynimo ah oo ah rabshad ka dhan ah shaqaalaha IMF.

Ms Lagarde ayaa sheegtay in IMF ay si dhow ula shaqeyneyso baarayaasha Faransiiska warqadan qaraxa wadatay.

Askari ayaa la magacaabin oo ay soo xiganeysay wargeyska Le Parisien ayaa sheegay in walxaha warqada ku jiray ay aheyd buleer.

Dhinaca kale waxaa goor dhow toogasho ka dhacday Iskuul ku yaala koofurta dalka Faransiiska, ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay, hal qof ayaa loo xiray dhacdadan, halka mid kalena la raadinayo.

COMMENTS