Tirada dadkii ku dhintay Doontii lagu duqeeyay xeebaha Yemen oo korortay (Sawirro)
March 18, 2017 - Written by

Waxaa sii kordhay tirada dadkii ku dhintay duqeyntii loo geystay doon ay la socdeen qaxooti Soomaaliyeed xeebaha dalka Yemen, iyadoo duqeyntan ay ka dambeysay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Apache.

 

Geerida dadka qaxootiga ee doonta saarnaa ayaa gaartay 42 ruux oo ay ku jiraan haween iyo carruur, waxaana dadkan la sheegay inay us ocdeen dalka Sudan.

Saraakiil ka tirsan Heyโ€™adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 ruux la soo bad baadiyay, kuwaasoo saarnaa doonida.

Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyay isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga inuu ka dambeeyay duqeyntii lagu laayay qaxootiga Soomaaliyeed.

Meydadka iyo dhaawacyada ayaa la geeyay magaalada Xudeyda ee dalka Yemen oo la sheegay inay aheyd halkii ay ka baxday doonidan.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda dagaalo sokeeye oo u dhaxeeya mucaaradka xuutiyiinta, dowladda taagta daran ee Yemen oo taageero ka helaya Isbaheysiga dalalka Khaliijka ee uu hoggaamiyo Sacuudiga.

COMMENTS