Magalada Burco Oo Maanta Si weyn Looga Dareemay Dad ku dhintay Dooni Siday Tahriibayaal Somali ah Oo Shalay Lagu Dukheeyey Dalka Yemen.
March 18, 2017 - Written by
Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Waxaa Si Weyn U Gilgishay,Wararka Ka Soo Baxaaya Dadkii Ku Dhintay Doonidii Siday Dadka Tahriibayaasha Ah, Ee Maalintii Shalay Gantaalka Ku Dhufteen Diyaaradaha Isbahaysiga Sucuudigu,Taas Oo Ay Ku Dhinteen Dad Gaadhaya Ugu Yaraan 42 Qof Halka 80 Qof Loola Cararay Cusbataalada Ku Yaala Dalka YEMEN
Dadkan Ayaa U Badna Dad Kasoo Jeeda Gobolada Togdheer,Iyo SOOL Waxaanay Xaafadaha Magaalada Burco Qaarkood U Tahay Maalin Madow,Kadib Markii Qoysas Badan Caruurtoodii Ka Mid Noqdeen Dadka Ku Naf Waayay, Masiibada Ka Dhacday Xeebaha
U Dhexeeya Dalka YEMEN Iyo SUUDAAN,
Sidoo Kale Wararka Aanu Ka Helayno Gobolka SOOL Ayaa Sheegaya In Doontaas Dadkii Saarna Qaarkood Lasoo Xaqiijiyay Dhimashadooda Halka Kuwa Kalana War Laga Hayn Waxa Ay Ku Sugan Yihiin,Weriye Ku Sugan Gobolka SOOL Oo Aanu ARintan Wax Ka Weydiinayay
Ayaa Noo Sheegay Inay Jiraan Dad Badan Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Sool Oo Aan War Laga Hayn Jaan Iyo Cidhib Meeshay Dhigeen Halka Kuwo Kalana Dhimashadooda La Xaqiijiyay
In Kasta Oo Dadka Qaar Magacyadooda Lagu Soo Bandhigay Baraha Bulshada Ee Faecebooga Ayaan Hadana La Xaqiijin Karin Magacyadooda Dhabta Ilaayo Hada,Balse Waxaa Si Weyn Magaalada Looga Maqlayaa Baroorta Iyo Qaylada Ka Baxaysa Guryaha Ay Ka Tahriibeen Ubadkoodu,Sidoo Kale Goobaha Lagu Cabo Qaxwaha Ee Bulshadu Ku Kulanto Waxaa Aad Looga Hadal Haya Masiibadan Ku Habsatay Dhalinyarada Ka Tahriibaya Dalka,
Ilaayo Hada Lama Cadayn Cida Lahayd Diyaaradan Weerartay Dadka Doonta Saarna Balse Waxaa La Aamin San Yahay Inay Ka Mid Tahay Diyaaradaha Dagaalka Kula Jira Xuutiyiinta Ka Dagaalama Dalka YEMEN