Booliska Uganda oo raadinaya askar toogatay gabadh saddex sano jir ah
March 24, 2017 - Written by

Booliska dalka Uganda ayaa raadinaya afar ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran kuwaasoo lagu eedeeyay in ay toogasho ku dileen gabar saddex sano jir ah.

 

Waxa lagu eedeynayaa inay sidoo kale dhaawaceen gabadha hooyadeed iyo nin kale. arrintani ayaa ka dhacday tuulo ku taalla gobolka Mityana ee bartamaha dalka Uganda Isniintii.

Afartaasi askeri wakhtigaa iyada ah rasmiyan shaqo kuma aanay jirin, mana cadda sababta ka dambaysay toogashadaasi.

Booliska ayaa dhacdadani ku tilmaamay mid si aad looga xumaado, waxayna sheegeen inay bixin doonaan kharashaadka ku baxaya dawada dadka dhaawaca ah.

Raggaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay baxsadeen, booliskuna waxay wacad ku mareen in raggaasi gacanta lagu soo dhigi doono.

COMMENTS