Doon ay saarnaayeen boqolaal tahriibayaal ah oo ku degtey xeebta dalka Libya
March 24, 2017 - Written by

Wararka ka imanaya dalka Libya ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inay dhinteen dad ka badan labo boqol oo ruux kuwaasoo ahaa tahriibayaal kadib markii ay la degtay doon ay saarnaayeen.

 

Sarkaal u hadlay hay’ad fadhigeedu yahay dalka Spain ayaa sheegay in la helay meydadka shan ruux oo kaliya kuwaasoo dul sabaynayay badda iyadoo laga cabsi qabo in dhammaan dadkii kale ee saarnaa markabka ay dhinteen.

Ms Lanuza oo u hadlayay hay’adan wadaniga ah ayaa sheegay in ugu yaraan 240 tahriibayaal ay saarnaayeen doontan ka soo shiraacatay xeebaha dalka Libya.

Hase yeeshee ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay inaysan jirin war soo gaaray oo ku saabsan doontan ayna ka qeybqaadanayaan raadintii dadka la sheegay inay la degtey doontii ay saarnaayeen.

Dadka ka soo tahriibaya xeebaha dalka Libya ayaa kordhay sanadkan waxaana gaaray xeebaha dalka Libya afartameeyo doomanka ay dadka ku tahriibaan toddobaadyadii la soo dhaafay.

Hay’ada IOM oo u qaabilsan dadka soo galootiga ah Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay sheegeen in labaatan kun oo tahriibayaal ah ay gaareen dalka Talyaaniga waxaana la sheegay in dad gaaraya 559 tahriibayaal ay dhinteen ama lagu la’ yahay badda.

COMMENTS