Dalka Costa Rica oo lagu xirey muwaadin Soomaali ah oo lagu eedeeynayo inuu yahay argagaxso Caalami ah
March 24, 2017 - Written by

Dalka Costa Rica  ayaa lagu xirey muwaadin Soomaali ah kaasoo lagu tuhunsan yahay inuu ka mid yahay Argagaixo Caalami ah kadib markii uu galay dalkaas isagoo ka soo gudbay wadanka jaarka la ah ee Panama.

Dowlada Maraykanka oo ka hadashay xarigan ninkan ayaa waxa ay sheegtay in ay doonayaan in baaritaan lagu sameeyo ninkan la sheegay in uu ka tirsan yahay wax loogu yeeray argagaxiso caalami ah.

Dowlada Costa Rica ayaa ku sheegtay ninkan dhalinyarada ah magaciisa Ibrahim Qoordheen da’adiisana 25 sano.

Sarkaal u hadlay dowlada Costa Rica ayaa sheegay inay xireen ninkan kadib markii ay la tashi la sameeyeen hay’ada Maraykanka u qaabilsan soo galootiga ICE.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa lagu hayaa saldhig boolis ee magaalada San Jose ee ah caasimada dalka Costa Rica. Hase yeeshee dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa ku kala firirsan caalamka iyagoo doonaya inay galaan dalalka hodonka ah sida wadanka Maraykanka,Canada iyo qaar ka tirsan wadamada Yurub.

COMMENTS