Dulsaarka daynta iyo dheefta iibka ee Baananka. WQ: Axmed Muuse Ismaaciil
March 24, 2017 - Written by C M

Qaybta 1aad.

In dhowaale waxa yeedhay qaylo-dhaan gilgishay inta damiirkoodu nool yahay. Dhiiladan baa ka dhalatey xeerka Baananka  Ribada ku macaamila ee baarlamaanka Somaliland ka doodayo ajandihiisa.

Arrintan baa dood dheer ka dhex curisay  golaha sharci dejinta Soomaliland, unugyada aqoon yahanka ee dhaqaale yahanka ah, culimada shareecada   iyo bulsho weynta  guud ahaanba.  Mugdi weyn ayaa ka abuurmay macaamilka baananka Islaamiga ah, Baananka  Ribada ku ganacsada iyo  waxa ay ku kala soocan yihiin. Waxa isku gedmaday oo la kala fahmi  la’yahay Ribada iyo Muraabaxada (kala macaashka) oo dirkuba iika ka tirsan yihiin.
Waxa tuhun weyn dusha loo saaray culimada shareecada  oo iyagu ka soo hor jeestay baananka Ribada, waxaana loo sibir saaray in ay hiil gaar ah ama difaac  ay maslaxadi ugu jirto iyaga oo toos ah la garab istaageen baananka islaamiga. Aqoon yahan badan oo dhaqaalah bare ka ah , waxana ka dhiga Jaamacadaha dalka ayaa iyaguna ku jiho wareeray  fahamka iyo kala sooca macaamilka labadan jaad ee baananku ku adeegaan. sidoo kale bulsho weynta  la macaamisha baananka islaamiga ah ayaa tashuush , caad iyo xayaabo ka fuushay macaamilkooda ganacsi ee ay la wadaagi jireen baanankaas.

Haddaba si aan u kala furdaamino arrimahan isku murgay, si aynu jid ugu buxino is-diidooyinka kakan ee  ay ku mergadeen in badan oo mujtamca ka mid ah , si ay dab-qulaalis ugu noqoto  xubnaha xildhibeenada baarlamaanka Somaliland oo miidadowsanaya  sawir iska gedmaday oo uga hummaagay  labadan nooc ee baananka.
waxa aan qalinka u qaatay in aan hawraartayda ka geysto  xaajadan gudaha weyn. ma ihi Fiqi  culuunta shareecada tahan fog ka gaadhay, ee waxaan ahay dhaqaale yahan cilmiga ganacsiga  bartay oo barena ku ah, kuna sar goostey  dhaqankiisa, dhaqaalihiisa, diintiisa  iyo waayaha uu ku nool yahay miisaanka shareecadda.
Qormadan taxanaha noqon doontawa waxaan si waafi ah ugu lafo guri doonaa Iibka guud, anigoo ku dhisaya qaacidooyika madhabka Shaafici, iyo aragtiyaha ama falsafadaha ganacsiga. Iibka ; waa eray ka kooban laba waaxood  iib+ka oo ah magac iyo qodob, waxaanu leeyahay  dhadhan  macne oo qofka afka soomaaligu u ibo baxsan yahay u sameeynaya  faham diir la’ oo cad. Iibku waa dhaqan  iyo macaamil u dhexeeya aadamaha oo dhan , mase aha mid u dhexeeya Allaah iyo aadamiga.

 

Qaybta 2aad.

Maxaad u cuskan iibka banaan?

Allaah baa Qur’aanka inoogu caddeeyay  macaamilka iibabka . “Allaah kor ahaaye, waa uu xalaaleeyay iibka, waxaanu xaaraantinimeeyay Ribada”. Ayaadda 275 ee Suurada Al-Baqara.
Annagu , qoladayada shaaficiya waxa aanu fahamka ayaadan iyo macneheeda ka dhiraan dhirrinay wejiyo badan. Imaamyada MAD-HABKA ayaa qaba faham qoto dheer oo kala saafaya macnaha ku duugan aayadda.  Imaam Cali Al-Maawerdi baa ku soo minguuriyey  kitaabkiisa , Al-Xaawi Al-Kabiir , Jiska iibka ka hadla hadal waafi ah oo uu ku areerimay  macnahan aayaaddu ka hadlayso.

Imaam Maawerdi waxa uu soo guuriyey afar hawraarood ama odhaahood oo uu MAD-HABKU ka qabo fasiraadda aayadda :

  1. Waa midda koobaade Aayaddu waa caam , oo erayga iib baa inoo sheegaya in uu banaan yahay iibab oo idil, iibka uu daliil dedefeeyo mooyaane , waayo , Al-sha fan gashan magaca Iib ayaa jinsiga guud ee iib inoo tilmaamaysa. wejigan koobaad waxa ka farcama laba odhaahood oo Mad-habku ka yidhi:
  2. a)  In weedha Iib ay tahay tu gudo weyn caam ah, balse cidda ku  tirawda  baa macne gooni ah ula jeedda. Tusaale; haddii wiil lagu yidhaahdo ‘waar maad iibsatid tig aad ku shaqaysato , oo uu ku jawaabo’, waan iibsan lahaaye dadku ma ogola. isagoo ula jeeda waalidkay ma ogola. ereyga dad waxa soo gudo gelaya aadamiga oo dhan. Markaa iibkan ay aayaddu ka hadlayso waa mid gooni ah oo Allaah uu ogaa,  oo Nebiga SCW loo sheegay , muslimiintuna ay ku dhaqmeen.
  3. b) Wejiga labaadna  iibka aayaddu ka hadashay waa caam , balse  laga soo reebay qaar iibka ka tirsanaa oo daliil ku hadhay.
  4. Aayadda baa  duuduuban oo aanu macneheeddu caddayn. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Midho daray duuduub baa lagu cunaa”. markaa macnaha aayaddu ma saafna .
  5. a) Aayadda lafdigeeda ayaan macne ahaan u caddayn , waayo aayadda horraanteeda iyo dambeedkeeda ayaa foodda iskula jira. qaybta hore ee aayadu waxay inoo sheegtay in iibku banaan yahay, oo dheef korka laga helaa jid haysto, qabta danbena in Ribadu xaaraan tahay, oo dulsaarka laga helaa  aanu bannaanayn.  labadubana waa iib. sidaa awgeed aayaddu iskeed ayay u duuduuban tahay oo may kala saafna.
  6. b) Aayadda macneheedu waa cad yahay, ee iibka  banaan ayaa hadoodilan,  waa iib idilkii oo dhan, waxa ku jira ;  Bakhti iyo Nasiibkii, Iibka shay aan la hayn cayntiisaba, Iibka dagitaanka iwm.  markaa aayaddu waa duuduub ee waxaa fasiray oo macneheedana saafey sunnada Rasuulka SCW. Nebiga NNKH ayaa inoo caddeeyay  iibka bannaan iyo ka xaaraamta ah. hadoodilkii iyo gedefkii saarnaana ka xayuubisay oo caddaysay macnaha aayadda.
    Aayaddu waa caam gudo balaadhan balse laga saaray qaybo ka mid ah,  waana duuduub la saafay . hawraartani waxa ay midaysay labadii qodob ee aynu hore u soo sharraxnay, oo iibka oo idil waxa ka baxay kuwii daliil dedefeeyay, iibkii gedfanaana waxa saafay oo qalay Axaadiista oo u kala huftay iibka bannaan iyo kan reeban labadaba.
    4. wejiga afraad waxa ay Imaamyadu sheegeen in Al-sha ku jirta Beeca ay tahay , tii cahdiyada ama tilmaamsiga ,  waana iibkii la ogaa ee cid kastaa ka war haysay. waayo aayadda ayaa soo degtay bay leeyihiin culimadu xilliggii ay sunnadu kala saaftay iibabka , ee ay kala huftay kiisa banaan iyo kan xaaraanta ahba. Waa iibkii Allaah uu jideeyay ee rasuulka loo soo dhiibay ee muslimiintu ku dhaqmayeen.

Hawraarahan afarta ah ee  uu Mad-habkaygu ka qabo iibka ee uu weliba fahamkooda ku kala maan duwan yahay waxa ku jira faa’iido aad u weyn oo looga baahan yahay qof kasta oo dhaqaalaha ama ganacsiga ku dhex jira in uu fahmo. waa midda koobaade haddii iibka aad cid isku qabataan,  waxaad u cuskan kartaa aayaddan, adigoo ku tiraabaya , Asalka iibku waa mubaax , banaaan,  ee adigu ii keen wax xaaraantinimeeyay, waayo aayaddu waa caam oo iib oo idil ayaa ii banaan wax daliil iga dedefeeyo ama reebo maahaane.
Balse haddii ay cidda ku haysataa ku tiraahdo aayaddu  waa duuduub oo way hadoodilan tahay macnaheeduna ma saafna  iyada, ma cuskan kartid daliilna kuuma noqon karto aayaddu ee waa in aad nas kale ama daliil kale raadsato.
Annagu waxaanu  qabnaa in aayaddu ay caam tahay, oo iib oo idil baa bannaan oo mubaax noo ah  wax daliil naga dedefeeyay ama reebay mooyaane.
Qaybta 3aad.

Qormadii hore  Dulsaarka daynta iyo dheefta macaashka , waxa aynu ku soo gorfaynay iibka guud ahaan,  iyo asalka loo cuskado xalaalnimadiisa. Halkanse waxa aynu ku falanqayn doonnaa macaamilka kala macaashka (Muraabaxo) , tan oo ay isticmaalaan baananka maxalliga ah iyo kuwo caalami ah oo la magac baxay Baananka Islaamiga ah.
Muraabaxo waa kala macaashid u dhaxaysa Iibsadaha iyo iibiyaha , waxaanay u qaybsantaa laba qaybood; midda hore : waa in aan badeecadda kaa iibiyo oo aynu ku heshiino in aad ii saarto dheef ama macaash aynu ka gorgortannay, kolkaa waxa macaashkii qaadanay iibiyaha. wejiga labaad waa in iibiyahu badeecaddiisa uu ka dhimo wax ka mid ah qiimihii ay ku fadhiday (xaraash), kolkaana waxa macaashkii iyo dheeftii raacaysaa darafka iibsadaha.
Muraabaxadu waa mid ku ismanayd oo jirtay tan iyo waagii Asxaabada, waana lagu macaamil jiray. Aynigii koobaad ee ummaddan Nebi Muxamed SCW ,  oo ahayd qarnigii ugu fadliga badnaa (Selef Al-saalix) baa dhexdooda ay ka shaqayn jirtay , macaamilkeedu ansax ka ahaa.

Muraabaxadu waxa ay leedahay hawraar astaysan oo lagu kala iibsado badeecadda , waxa uu iibiyuhu odhanayaa; yaa ii kor saaray tobankii dirham hal dirham oo macaash ah, oo xoolahan igala wareegaya. Sidan waxa u ganacsan jiray facii iyo asaaggii Asxaabada ugu mudnaa oo ay ku jireen Cismaan binu Cafaan, iyo Cali binu Abii Daalib. Hase yeeshee waxa jiray Asxaab kale oo ay ka mid ahaayeen Ibnu Cabaas iyo ardaygiisii Cikrama oo iyagu diidi jirey Beecan iyo iibka jaadkan ah; iyaga oo u sibir saaray hawraar  hadoodilan, oo aad loo isticmaali jirey waagaas, oo iibkani gooni u lahaa, middaas oo ahayd;  “Dah Yazdah” , waa tiro tirsiimo Beershiyaan ah ama afka Eeraaniga ah, oo la macne ah “Dah” oo Toban ah, ‘Yaz’ oo kow ah , kolkaa macne ahaan waxa ay noqonaysaa, yaa ii macaashaya badeecaddan, oo Tobankiiba , kow iyo tobon iiga dhigaya.

Afkan qalaad ee aanay carabi aqoon awgeed, ama  kakanaanta iyo engega ku jira xisaabinta ‘Dah yazdah’ ayey u diideen in nidaamkan iib ahaan loogu macaamilo. Haddaynu xisaabtan si fudud oo la fahmi karo u dhigno waxa ay noqonaysaa, yaa ii macaashaya badeecaddan , oo ii dul saaraya intii ay igu fadhiday 10%.
Muraabaxadu waxa ay leedahay shuruudo sal u ah oo ay tahay in lagu dhiso;
1) In labada daraf ee wax kala gadanaya , tusaale ; Baanka iyo qofku ay og yihiin, oo ay u caddahay qiimaha badeecaddu fadhido ama ku taagan tahay iibiyaha. Qiime waxa uu noqon karaa lacag , sidoo kale waxa uu noqon karaa badeecad kale oo lagu soo dooriyay ama gadtey middan.

In ay labadooduba u caddahay qadarka lacag ee alaabtu ku joogto. waxaana iibiyaha laga rabaa in uu si cad u qayaxo qiimaha lacageed , iyo jinsigeeda , taas oo uu ku soo iibsaday Alaabadan. Haddii uu Rubi ku soo iibiyey maaha in uuu Dollar ugu sheego.
2) Iyadana waxa laga rabaa in uu iibiyuhu caddeeyo,  wixii iin iyo ceeb ah ee badeecadda ku yimi intii uu la soo wareegay ee uu gacanta ku hayey, iyo cilladihii uu ku soo iibsaday dirkaba. Tusaale ; haddii baanku baabuur soo iibsado , soona tijaabsado, basle , intuu jidka ku soo jiray shil duqad ah gaadhay, ama cillad qarsoon oo uu og yahay yeeshay waa in uu u caddeeyo , una sheego iibsadaha baabuurka.

Iibka noocan ah, ee Muraabaxadu waa  heshiis  raali  ay ku yihiin dafyada macaamilaya. Iibkan kala macaashidu uma go’na qiimo xaddaysan oo macaashkiisa xadayn kara. waana laga kala amaahan karaa badeecadda marka gacantu go’do, ee iibku xidhmo, dayn ahaan ayaana lagaaga sugi karaa ; ha noqoto mid mar la wada keeno, mid hafto iyo yaryaraysi lagu bixiyo , balse , waa in ay yeelato dayntu madal iyo muddo xaddidan oo lagu kala guddoonto, hashiisna lagu yahay labada daraf.

Muraabaxadu waxa ay leedahay tilmaamihii iibka oo dhan ,  waxaad xaq u leedahay in  aad ka noqoto  iibka inta aad dooransiinta iyo khiyaarka haysato. Tusaale; Adiga oo agabka guriga ee aroos ka iibsaday baanka , heshiiskiina aanu weli xidhmin, balse baanku uu soo iibiyey dhammaan alaabadii aad ka dalbatay , jinsigii ay ahayd iyo jaadkii aad rabtay ee dookhaagu ahaa, ayaa waxa culayskii agabka gurigaa kaa kaafalo qaatay qof ehelka ah, kolkaa waxa kuu banaan in aad iibka ka baxdo, alaabtiina baanka ayaa iska leh, wax gashi iyo godob oo ku raacayaana ma jiraan.

Muraabaxadu maaha ribo dahsoon , dheef korka saaranna waa mid haysta jid  daw ah oo shareecada ku bannaan, waxaananu taaganahay Mad-hab ahaan , Iibka Muraabaxadu waa xalaal , Asalka iibka ayaana xalaal ku dhisan , wax daliil dedefeeyo mooyane’ mana hayno daliil xaaraam ka dhigay, sidaa awgeed Muraabaxada xukunkeedu waa sidaas.
la soco……………….
Bare Sare; Axmed Muuse Ismaaciil

COMMENTS