Fallaagada Suuriya oo saldhig ciidanka cirku lahaayeen ka qabsaday ISIS
March 27, 2017 - Written by

Xulufo fallaago ah oo ay hogaaminayaan Kurdiyiintu ayaa ka qabsaday kooxda la baxday Dawladda Islaamka saldhig ciidamada cirku lahaayeen oo ku yaal Suuriya.

Hawlgalkan waxa taageerayey Maraykanka oo diyaaradahoodu ku daadiyeen askarta Xoogagga Dimuqraadiga ah ee Suuriya xaga dame ee furintii ay isku hor fadhiyeen ciidamada Daacish si ay u qabsadaan saldhigga Tabqa.

Xoogagga Dimuqraadiga ah ee Suuriya ayaa ku sii siqaya oo haatan ku dhawaaday biyo xidheen ku yaal webiga Furaat oo la sheegay in uu qarka u saaranyahay in uu dumo ka dib markii ay duqeeyeen diyaaradaha xulufada Maraykanku hogaaminayaa.

Waxa soo baxaya warar is burinaya oo sheegaya in shacabku ka qaxayaan magaalada Raqqa oo xagga hoose ka xigta biyo xidheenkaa. Waxaana gulufka lagu hayo magaalada haatan hogaaminaya fallaagada Kurdiyiinta ah.

Sources;Bbcsomali

COMMENTS