Madaxweynaha Somaliland Oo Ashahaado Sharaf Uu Ku Mutaystay Waxqabadka Muuqda Ee,Gobolka Saaxil Gaadhsiiyey Gudoonsiiyey Maayarka Magaaladda Berbera C/Shukuur Cidin
March 27, 2017 - Written by

Madaxweynaha Somaliland Oo Ashahaado Sharaf Uu Ku Mutaystay Waxqabadka Muuqda Ee,Gobolka Saaxil Gudoonsiiyey Maayarka Magaaladda Berbera C/Shukuur Cidin

 

Maayarka Magaalada Berbera oo Loo Aqoonsaday masuulliyiinta ugu waxqabadka badan Somaliland

 

Berbera-(GLN)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)ayaa aad iyo aad u majiirtay soona dhaweeyey horumarka balaadhan ee uu sameeyey   mudadii uu xilka hayey magaalada Berbera C/shakuur Cidin, ee  la xidhiidha wax qabadka muuqda ee uu ku talaabsaday una hor-seeday magaalo xeebeedka berbera waxa aad ku mutaysatay shahaadado sharaf dedaalka iyo wax ka bedelka aad ku samaysay horu-socodka wayn ee aad ka hirgalisay Berbera,isaga mahadnaq iyo dhiirigelin u soo jeediyey maayarka iyo guud ahaan madaxda kala duwan ee gobolka saaxil ka hawlgala

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa kale oo uu xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Berbera, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen saddex waddo oo halbawle u ah magaalada gudeheeda dhismeheedahana ay ku suntan tahay dawlada hoose ee Berbera, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Xarun casriya oo ay daahfurtay Shirkadda SOMGAS.

Maayarka magaalada Berbera C/shakuur Cidin ayaa ku guulaystay kaalinta koowaad ee waxqabadka Maayaradda dalka gaar ahaana magaaladda berbera, horumarka balaadhan ee uu ku talaabsaday Maayarka berbera ayaa waxa ka markhaati kacay guud ahaan bulsho waynta ku dhaqan gobolka saaxil iyo guud ahaan inta la socota waxqabadkiisa

Maayarka Magaalada Berbera oo Loo Aqoonsaday masuulliyiinta ugu waxqabadka badan Somaliland iyo Maayarka Berbera oo kaalinta koowaad ku guulaystay maayaradda dalka

 

Dhanka kale dad kala duwan oo la  waydiiyey masuulka  ay u aqoonsanyihiin inuu waxqabad muujiyey ayaa boqolkiiba boqol ay bulshadaasi kaalinta koowaad ugu codeeyeen Maayarka magaalada Berbera.

 

Daraasaddan oo lagu soo bandhigay xaflado kala duwan oo ay shacbi waynaha Somaliland ee ka warhaya waxqabadkiisa gaar ahaana kuwa reer saaxil ay ku soo bandhigayeen hudheeladda kala duwan ee dalka taas oo loogu aqaoonsaday masuulliyiinta ugu waxqabadka badan Somaliland iyo Maayarka Berbera oo kaalinta koowaad ku guulaystay maayaradda dalka.

 

Haddaba Maayer Mudane (Cabdi Shakuur Cirdin) ,marka aynu hoos u eegno ama qiimayno  wax-qabadkii faraha  badnaa ee dhinaca horumarinta arrimaha bulshada, bilicda magaalada Berbera,hagaajinta waddooyinka, dhismaha noocyadiisa kala duwan ee  magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda, Waxbarashadda, Nabadgelyadda, Wadooyinka  oo ah danta guud ee ummaddu si wadda jira uga wadda faa,iideysanayso.

Waxay cid kastaa og-soontahay oo ay marag ka tahay gaar ahaanna dadka aqoonta leh ee wax cabira  in aan qofna hal maami Karin horumarka muuqda ee Maayer Mudane Cabdi Shakuur ka hirgeliyey magaalada Berbera.), taasina ay tahay sababta ay madax fara badani ku  gudoon siiyeen Ashahaado sharafyo uu ku mutaystay waxqabadkiisa waxay munaasibad uu mar labaad isugu sharraxay golaha deegaanka oo lagu qabtay magaalada Berbera ku guddoonsiisay Duqa Degmada Berbera md.Mudane Cabdi Shakuur.

Waxaan anigu shaqsiyan ku talin lahaa in uu  Maayer Mudane Cabdi Shakuur mar labaad isu soo taago una tartamo Xildhibaannimada Golaha deegaanka Berbera ee doorashada golahayaasha deegaanka oo dhawaan lagu wado in ay dalka ka qabsoonto,

Sidoo kale qaar badan oo ka mida bulshada Somaliland ee jecel horumarka wadanka ayaa aad u danaynaya in  Maayar Mudane Cabdi Shakuur  mar kale  isu soo taago golaha deegaanka Berbera inay tahay wax-qabadkii muuqday ee uu sameeyey uu  muddadii sannadaha badan ahayd ee uu  Maayerka ka ahaa degmada Berbera, taasoo ay ku doodeen inuu mudan yahay in mar labaad uu ka mid noqdo golaha deegaanka ee Berbera loo dooranayo welibana loo sii doorto Maayer si uu wax-qabadkiisa faraha badan ee uu degmada ka hirgeliyey halkaa uga sii amba-qaado.

Waxa meel walba ka muuqda oo xasuus mudan wadooyinka bilicda leh ee uu  Mudane Cabdi Shakuur ka hirgaliyey daafaha gobolka maroodi jeex ee Berbera iyo waliba deegaannada hoos tagaa aanay ahayn wax halkan lagu soo koobi karo, markaynu si dhaba u eegno ama u milicsanno horumarka uu Dowladda Hoose ee Berbera gaadhsiiyey mudadii uu xilka hayey  waxa markhaati ma-doon ah, oo si cad u muuqata wax tarkiisii.

Soo jiidashada xiligan ay bebera soo jiidatay ganacsatada ganacsiga iyo dalxiiska waxa muujinaya korodhka dhismayaasha waa weyn oo isugu jira hurdo, cunto cabitaan iyo goobo lagu nasto cimilada xeebeedka dabiiciga ah ee ay berbera leedahay.

 

Ka faaidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee badda ayaa u muuqaday mid kobcay sidii uu ahaan jiray sanadihii hore,taana mahad naqeeda ILLAAHAY ka sakow waxa iska leh Cabdi Shukuur Cidin.

By:Axmed M.M.C

Tel:0633347767

 

COMMENTS