Bahda Saxaafada oo soo dhoweysay Wasiirka magacaaban ee Warfaafinta Soomaaliya.
March 28, 2017 - Written by

Bahda Saxaafada ayaa si diiran u soo dhoweysay magacaabista Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow, iyagoo ugu baaqay Baarlamaanka inay ansixiyaan Xukuumadda.

 

Hor-joogayaasha Bahda Saxaafada ee Muqdisho ayaa shir jaraa’id ee ay shalay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay ki taageereen Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Warfaafinta, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay shaqsi karti leh, isla markaana ka mid ah dadka aqoonta u leh arrimaha saxaafdaa.

Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo ah Agaasimaha Idaacada Kulmiye ayaa sheegay bahda Saxaafada ay soo dhoweynayan magacaabista Wasiir Yariisow, isagoo ugu baaqay Baarlamanaka inay ansixiyaan Xukuumadda cusub

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in markii ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha waxyaabaha ay ka codsadeen uu ka mid ahaa in Wasaaradda Warfaafinta u soo magacaabo shaqso aqoon iyo waayo aragnimo u leh wasaaradaas, isagoo tilmaamay in codsigooda uu ka jawaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ah nin aqoonyahan ah oo horay xilkan u soo qabtay, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay nin aqoon u leh howlaha saxaafada, ahna shaqsi u qalma xilligan xilkan, maadaama saxaafada ku jirto dhibaato, waxna ka qaban kara, lana shaqeyn kara bahda saxaafada.

Halkan hoose ka daawo baaqa Bahda Saxaafada:-

COMMENTS