Xoghayaha Arrimaha Gudaha WADDANI oo Ka Hadlay Sida ay u Shaqeeyaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Caalamku
March 28, 2017 - Written by

Xoghayaha Arrimaha Gudaha WADDANI oo Ka Hadlay Sida ay u Shaqeeyaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Caalamku

 

SIDEE U SHAQEEYSAA XOG-HAYNTA ARRIMAHA GUDAHA EE MARAYKANKU

Xoghaynta Arrimaha Gudaha Ee Maraykanka

Xoghaynta arimaha gudaha ee maraykanku tusaale ahaan waxay u xilsaran tahay maamulida, illaalinta dulka federalka & khayraadka dabiiciga ah;  waxay dusha ka eegtaa hay’adaha & xafiisyada maaraynta dhulka, sahaminta  joolayiyada & adeegyada seerayaasha qaranka (national park service) xoghayntu waxay kaloo ka shaqaysaa oo magacawdaa  seerayaasha muwaadiniintu gaarka u leeyihiin gudidooda; xoghayntu waxay qayb ka tahay  golaha madaxwaynuhu gudoomiyo (golaha wasiirada) Waaxda arimaha gudaha ee maraykanka laguma khaldo wasaaradaha arimaha gudaha sida ay u isticmaalaan dawlado badani wassaaradaha arrimaha gudaha ee wadamadu waxay maamulaan amniga gudaha oo maraykanka gooni u taagan.Maxaa wacay siyaasada qaybta arimaha guduha  &  waaxaheedu waxay leeyihiin  muhiimado wax raadeeya qaybaha hoos yimaada xoghaynta arrimaha gudaha waxaa ka mid ah:

1)      Ku xigeenka xoghayaha arimaha gudaha

2)      Caawiyaha xoghaya ee siyaasada, maamulka & miisaaniyada

3)      Caawiyaha xoghayaha ee dhulka & maamulka macdanaha

4)      Caawiyaha xoghayaha ee biyaha & sayniska

5)      Caawiyaha xoghaya ee kalluunka, ugaadha & seerayaasha

6)      Caawiyaha  xoghayaha qabaa’ilka hindida

7)  Maamulaha, amniga, badbaadada, meel marinta sharciga, & xafiiska dib u   hagaajinta

8)      Maamulha gobollada dhexe, ee  sahaminta juquraafiga

9)      Maamulaha gobolada buuralayda & seerayaasha qaranka

10)  Dawlad goboleedka Colorado, xafiiska maamulka dhulka

11)  Illaalinta gobollada, dhagaxleyda ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Ee Aduunku maxay qabtaan

Wassarada arimaha guduhu;  waa wassaarad dawladeed;  ka masuul ah siyaasda gudaha, maamulidda xaaladaha degdega ah, amniga qaranka ee gudaha, diiwaangelinta, kormeerida dawladaha hoose, dhaqan gelinta doorashooyinka, maaraynta guud  & arimaha sadcaalka.Wadamada qaarkood, amuuraha la xidhiidha hagaajinta sharciga iyo kala danbaynta, maamulida cadaalada ayaa ka mid ah  hawlaheeda oo ay gooni kala yihiin wasaarada cadaalada, wadamada qaarkood, siyaasada & amniga guud waxaa maamula wasaarado kale oo la magac baxa, wasaarada amniga iwm,  waxaana wasaarada arimaha gudaha u hadha maamulida dawladaha hoose, maamulka dadwaynaha, doorashooyinka  iwm.

Waa side hadaba teenu….

COMMENTS