MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR OO SOCDAAL KU MARAYA DEEGAAMADA KILILKA SHANAAD
March 29, 2017 - Written by

Madaxwaynaha DDSI mudaneCabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo ku jira socdaalkii roob-doon ayaa  ka anbabaxay tuulada caleen oo ka tirsan degmada shilaabo  oo ay habeenkii xalay u hoydeen.warr03

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan uu  hogaaminayo ayaa maanta intii ayna ka anbabixin tuulada caleen waxay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo uu madaxwaynaha DDSI ka waraystay bulshada xaaladaha noloshooda, kana warbixiyay ujeedada socdaalkooda.

Waxayna waftigu  markii ay ka ambabexeen tuulada caleen  gaadheen tuulada laaso-caano  oo ka tirsan degmada shilaabo iyada oo ay halkaasi si wayn ugu soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan tuuladaasi waxayna kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada iyada oo uu madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayaa meelkasta oo ay gaadhaan ay gaadhsiinayeen bulshada deeqo isugu jira raashin calafka xoolaha iyo daawooyinka dadka iyo tuunyadaba, Iyadoo madaxwaynaha iyo waftigiisu bulshada usheegayeen inay allah baryaan oo ay waydiistaan roob khayr qayba in allah siiyo.

Sidoo kale waftigan ayaa gaadhay degmada la helyucub oo ka tirsan gobolka doolo halkaasi oo uu madaxwaynaha DDSI xadhiga kaga jaray ceel biyood (Riig)  oo ay xukuumada DDSI ka   hirgaliyay  degmada lahelyucub  kaas oo looga faa’iidaynayo bulshada ay abaaruhu saameeyeen.

Ugu danbayn waftiga ayaa galinkii  danbe ee maanta soo gaadhay xarunta gobolka  doolo ee magaalada wardheer halkaasi oo ay si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada gobolka iyo kuwa degmada wardheer, Waxayna wakhti-xaadirkan ku sugan yihiin magaalada wardheer ee xarunta gobolka doolo.

COMMENTS