Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay gaaray magaalada Cammaan ee dalka Jordan
March 29, 2017 - Written by

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay gaaray Magaalada Cammaan ee caasimadda Boqortooyada Jordan ee Haashimiga, iyadoo maanta uu ka qeyb geli doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa xalay ka dejiyay hotel ku yaalla Xeebta Badda Dhimatay (Dead Sea) oo ah goobtii uu Allah ku haligay Qowmu Luudh.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha Queen Alia International Airport ee Magaalada Cammaan ku soo dhoweeyay Wasiiru dowlaha Xafiiska Raโ€™iisul wasaaraha Mamdouh Al-Abadi, waxaana halkaasi sallaan sharaf ku siiyay kooxda baambeyda qaranka ee dalka Jordan.

Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay dalka Jordan ayaa ah dalkii saddexaad ee uu booqdo, muddo bil gudahood, tan iyo markii la caleema saaray bishii hore.

Shir Madaxeedkan oo ay ka qeybgalayaan tiradii ugu badneyd hogaamiyeyaasha Carabta ayaa laga filayaa inay ku soo saaraan goโ€™aan mideysan oo ku saabsan xaaladaha ka taagan bariga dhexe si gaar ah Syria, faragelinta Iran , qaddiyadda Falastiin , la dagaalanka argagaxisada , taageeridda horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay iyo qodobbo kale.

Ajandayaasha shirka ayaa ka mid ah arrimaha Suuriya, Yemen, Ciraaq, iyadoo si gaar ah xaalada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha abaaraha ka jira Soomaaliya.

 

Shir madaxeedkan Carbeed ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galo, kaddib markii bishii hore loo doortay xilka Madaxweynaha.

 

COMMENTS