Garoomo loogu magac daray dad caan ah
March 30, 2017 - Written by

Waxaa jira wax yaab leh oo isku xiraya Hillary Clinton, George Best iyo Cristiano Ronaldo. – waa garoomo diyaaradeed.

Weeraryahanka Boortaqiiska u dhashay ayaa ah qofkii ugu dambeeyey ee garoon loogu magac daro. Garoonka Madeira ayaa magacii laga baddalay oo loo bixiyey magaca Ronaldo, ayadoo cayaartoygaas lagu maamuusayo.

Arrintaas ayaa keentay in aan ka fekerno garoommada kale ee loogu magac daray dadka caanka ah.

Garoonka George Best

Garoonka George Best
Image captionGaroonka George Best

Garoonkan oo ku yaalla Belfast waxaa loogu magac daray ninkii kubadda cagta caanka ku ahaan jiray ee George Best.

Wuxuu u cayaaray waqooyiga Ireland iyo Manchester United 1960-meeyadii ilaa 1980-meeyadii.

Sannadguuradiisii 60-aad ayaa sannadkii 2006 waxaa magacii laga beddelay garoonka magaalada Belfast ayadoo lagu maamuusay magaca cayaartoygaas.

Garoonka Clinton

Garoonka Clinton ee Arkansas
Image captionGaroonka Clinton ee Arkansas

Waa garoonka ganacsi ee ugu weyn gobolka Arkansas, waxaana loogu magac daray lamaanihii ugu xoogga badnaa dhinaca siyaasadda ee gobolka soo mara.

Bill Clinton wuxuu ahaa madaxweynihii 42aad ee Maraykanka 1993 – 2001. Hillary oo afadiisa ah waxay ahayd murashaxaddii xisbiga Dimoqaraadiga ee la loollantay Donald Trump 2016.

Garoonka John Lennon

Garoonka John Lennon ee Liverpool
Image captionGaroonka John Lennon ee Liverpool

Garoonkan caalamiga ah ee ku yaalla Liverpool waxaa loogu magac daray mid ka mid ah wiilashadii ugu caansanaa ee magaaladaas soo mara oo ah John Lennon.

Kooxda the Beatles ayaa ahayd kooxdii ugu wanaagsanayd ee taariikhda muusigga Pop, sannadkii 2001 ayaana garoonka magaca laga beddelay.

Waxaa loogu magac daray John Lennon oo kooxda heesaa u ahaa oo markaas mootanaa 21 sano, ka dib markii lagu dilay New York.

Garoonka John Wayne

Garoonka John Wayne
Image captionGaroonka John Wayne

Garoonkan oo ku yaalla Orange County, California, waxaa loogu magac daray ninkii ku caan baxay filimmada Ameerikaanka.

John Wayne wuxuu ku guulaystay abaalmarinnada aflaamta galbeedka (kaabooy), gaar ahaan filimka True Grit oo kaalin hore kaga jiray qiimaynta filimada sannadihii 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii.

Garoonka La Guardia

La Guardia wuxuu ahaa duqii 99aad ee New York
Image captionLa Guardia wuxuu ahaa duqii 99aad ee New York

Garoonkan wuxuu yaalla waqooyiga New York, qaybta la yiraahdo Queens.

Waxaa loogu magac daray Fiorello Henry La Guardia oo ahaa siyaasi Ameerikaan ah.

Waxaa aad loogu yaqaannaa inuu ahaa duqii 99aad ee New York. Maadaama uu ahaa nin gaaban ayey dadku ugu yeeri jireen “ubixii yaraa”.

Garoonka Louis Armstrong

Armstrong wuxuu caan ku ahaa muusigga Jazz.
Image captionArmstrong wuxuu caan ku ahaa muusigga Jazz.

Wuxuu ku yaallaa New Orleans, Louisiana.

Waxaa loogu magac daray ninkii caanka ku ahaa muusigga Jazz-ka ee Louis Armstrong. Waxaa laga yaabaa inay jiraan dad weli xusuusta heestiisii caanka ahayd ee “What a Wonderful World”.

Garoonka George Bush

Garoonkan wuxuu ku yaalla magaalada Houston ee gob. Texas
Image captionGaroonkan wuxuu ku yaalla magaalada Houston ee gob. Texas

Garoonkan wuxuu ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas. Waa halka ay ka soo jeedaan qoyska reer Bush.

Waxaa loogu magac daray George H W Bush oo ahaa madaxweynihii 41aad ee Maraykanka, wuxuuna aabbe u ahaa madaxweynihii 43aad, George W Bush.

Garoonka Aadan Cadde

Garoonka Aadan Cadde
Image captionGaroonka Aadan Cadde

Garoonkan waxaa loogu magac daray madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan.

Waxaa garoonka magaca laga beddelay in yar ka dib markii uu geeriyooday Aadan Cadde sannadkii 2007.

Aadan Cadde waxaa lagu xusuustaa in uu ahaa hogaamiyihii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee xilka si nabdoon ku wareejiyey, xilli ay dalal badan oo Afrikaan ah gobonnimo qaadanayeen.

Sources;Bbcsomali

COMMENTS