War Deg Deg ah;Madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
March 30, 2017 - Written by

Tiro Madaafiic ah ayaa ku soo dhacay Dhinacyada Madaxtooyada Soomaaliya Ee Villa Soomaaliya, iyadoo ay tahay markii labaad oo Sidan Oo kale Madaxtooyada Madaafiic lagu soo weeraro, tan iyo markii Madaxweynahay Soomaliya Xilka Qabtay.

Dad Goob joogayaal ayaa sheegaya in illaa saddex madfac ay ku soo dhaceen xaafado ku yaal dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Ma cada khasaaraha ka dhashay madaafiicda, hase ahaatee waxa la maqlayay dhawaaqa gawaarida ambalaaska oo gaadhay halka madaafiicda ku dhaceen.

Xilliga ay Madaafiicda soo dhacayeen ayaa waxaa Xarunta Madaxtooyada ka socday shir ay lahaayeen Golaha Wasiirada xukumada.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ,Sikastaba ha ahaate iyada oo ay maalmhi ugu Danbyey magaalada Muqdisho ku soo badanayay weerarada, dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay geystaan Ururka Al-Shabaab.
Sources;Jowhar

COMMENTS